Waddooyinka magaalada Muqdisho oo maanta gabi ahaan kala xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka mar kale xiran inta badan wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis iyo  Nabadsugid kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada.

Hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne lugeynaaya oo meelo kala duwan u socda, waxaana xusid mudan in ciidamadaasi wadooyinka la dhigay xili danbe ee habbeenimadii xalay.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag, Makka al-Mukarama iyo Tarabuunka.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u ogolayn in lug xitaa lagu maro waxaana meel walba taagan Askari kaas oo dadka ku amraya in ay aagaas marin.

Meelaha aan lugta iyo Gaadiidka loo ogoleyn ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM4 ilaa madaxtooyada.

Wadooyinka xiran ayaa galay maalintii Seddexaad, waxaana maalin un ka hor loo xiray kulan la filaayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka ugu qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee,Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshiyaha wadooyinka,waxaana ay sheegen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com