Akhriso: Maamulka Puntland oo war cad kasoo saaray Khilaafka baarlamaanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayay Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda k ataagan magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada u dhaxaysa Xildhibaanada Dowaldda Federaalka Somalia, qodobada kale ee looga hadley waxaa ka mid ahaa Amniga Puntland, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta Wax-qabadka Dawladda.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadley dhaq-dhaqaaq la sheegay in maamulka Somaliland ka wado gobolka Sool.