27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Daahir Jeesow oo dhacdadii Wanlaweyn la xiriiriyay maamulka Laftagareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Xiisadda beeleed ee ka taagan degmada Wanlaweyn iyo hareeraheeda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay xaaladda faraha ka baxday, lana gubay nin odey ah oo xanuunsan, kaas oo loo beegsaday aano qabiil darteed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeeda deegaanka ay maqashada ka taagan tahay ayaa si kulul uga hadlay dilalka iyo falalka arxan darrada ee soo kordhay, wuxuuna cambaareeyay dilkii ugu dambeeyay ee loo gaystay marxuumka ee hadana lasii gubay.

“Ninka la gubay wuxuu ahaa qof madaxa looga jiro oo waalan runtii aad ayaan uga xumahay dadka arrintaas sameeyay oo qof nool oo Muslim ah gubay maydka xurmo ayuu leeyahay xormeyn waayay wax laga xumaado oo laga argagaxo waayay” ayuu yiri Daahir Jeesoow.

Jeesow ayaa sii kululeeyay xiisadda, isaga oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo taliyahaha Booliska maamulkaas ‘oo uu tilmaamay inay ku lug leeyihiin colaadka ka taaga halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ka socdaa soona Wanlaweyn anigu waxaan aaminsanahay waa dagaal Koonfur Galbeed ku lug leedahay Madaxweyne Cabdicasiis uu wax ka ogyahay waayo taliyihiisii Booliska ee uu soo magacaabay ayaa la leeyahay dagaalka wuuu ku jiraa” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Cabdicasiisow adne guul ku gaari maysid Koonfr Galbeedna waa la wada dagan yahay Soomaali oo dhan ayaa deggan ee habar tilmaameedsanin hal qabiil”.

Koonfu Galbeed oo goor soo horreysay soo saarta warsaxaafadeed ayaa cambeereysay falka arxan darrada ah ee shalay ka dhacay duleedka Wanlaweyn, waxayna sidoo kale sheegtay in ay baari doonto falkaasi, ayna  soo qaban doonto dambiileyaasha.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan aagga Wanlaweyn oo ay marar badan kusoo laa laabteen dagaal beeleedyada.

- Advertisement -

Read more

Local News