Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa maanta laga hor akhriyey warbixino laga soo diyaariyey saameynta Coronavirus dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya uu ku yeeshay.
Waxaana xogihii lagu soo bandhigay kulanka golaha aragtiyo ka dhiibtay xildhibaano uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow oo soo jeediyey talloyin ay ka mid tahay in la baabiโiyo jiritaanka wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyika ee xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya loogu tala galay in aysan dalkeeda wax ka soo saaray ee gargaarka caalamka oo kaliya ay sugto, iyadoo dowladdu u sameysay wasaarad u gaar ah, balse hadda ay tahay in laga gudbo, sida uu hadalkiisa u dhigay xildhibaan Jeesow.
โMa rabno heyโadahaan Gaโleyda la cararaaya, wasaaradda aan u sameysanana hanagal baabiโiyo, gargaar uma baahnin, dalkeenu horumarin ayuu u baahanyahayโ ayuu yiri
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku sii daray, โAnigu waxaan soo jeedinayaa aan u yeerno wasiirka qorsheynta, ee aan u sheegno in heyโad dad quudineysa aanaa rabin ee heyโad wax soo saarka dalka naga gacansiineysa aan rabno.โ
Hoos ka Daawo