Dabageed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax + Video

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa goobtii ku soo bandhigay musharaxnimadiisa waxa uu ka sheegay in meel aan HirShabeelle aheyn uusan aadi doonin hadii uu guuleysto iyo haduu guul dareystaba.

“Aniga Musharax ayaan ahay, waa i taqaaniin oo nin haduu wax helo diyaarad inka raaci doona maahi, nin haduu wax waayana inka tegi doona maahi, kaliya HirShabeelle waxaan ka tegayaa markii Ilaahey I oofsado,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in hadii uu guuleysto uu noqon doono dhakhtar u soo baxay HirShabeelle, isla markaana uu u jaheyn doono wado ka duwan tii afartii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay.

“Hadaan ka mid noqdo odayaasha HirShabeelle oo aan talada wax ka yeesho, waxaan keeni doonaa maamul ka duwan kii afartii sano ee la soo dhaafay aad soo arki jirteen, meelaha ay HirShabeelle la’dahay oo dhan ayaan ognahay, waxaana idiin balan qaadayaa hadaan ku guuleysto xilkaas inaan dhakhtarka HirShabeelle noqon doono, oo daawada ay u baahantahay aan qori doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyntii musharax Dabageed ayaa yiri, “Waxaan u sharaxanahay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle umadda maamulkan uu ka dhaxeeyo oo dhan ayaan u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan, waxaan rabaa inay ii soo duceeyaan.”

Yuusuf Dabageed ayaa ka soo jeeda beesha Xawaadle oo afartii sano ee la soo dhaafay heysatay xilka madaxweynaha HirShabelle, balse hadda waxay u muuqataan in beeshiisa lagu qanciyey inay qaadato madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kadib muran xilkaas mudooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa cidda qabaneysa.

Hoos ka Daawo