Joe Biden oo Soomaaliya ka saaraya liiska madow

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu dalka Soomaaliya ka saaro liiska madow ee uu horay ugu daray madaxweynaha wadanka Mareykanka ee hadda haya talada dalkaasi, Donald Trump.

Machadka Heritage Foundation oo warbixin cusub soo saaray ayaa tilmaamay in marka loo doorto xilka madaxweynaha kadib uu Biden doonayo in dalal badan oo ay ugu horreyso Soomaaliya uu ka qaado xayiraada socdaalka Mareynkanka ee lagu soo rogay.

Heritage ayaa warbixintiisa ku sheegay in musharrax Joe Biden qorshihiisa ugu ballaaran uu yahay sidii meesha looga saari lahaa xayiraada dhanka socdaalka Mareykanka ka saaran wadamada kala ah Soomaaliya, Ciraaq, Iiraan, Liibiya iyo Yemen.

Lixdaasi dal ayaa waxaa horey culeys u saaray madaxweyne Donald Trump, isaga oo Mareykanka ka mamnuucay muwaadiniintaasi dalalkaasi, wuxuuna shaaciyey inay ku badan yihiin waxa loogu yeero argagixisada.

Warbixinta ka soo baxday Machadka Heritage Foundation ayaa waxaa lagu shaaciyey haddii Biden la doorto uu sidoo kale gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga heysan.

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale doonaya inuu gabi ahaan meesha ka saaro qorshaha uu Trump ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay caruurtooda ku heysanyaan, markii ay galaan gudaha wadanka Mareykanka.

Si kastaba Mareykanka ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo hal todobaad kadib loo dareeri doono, taas oo ay ku loolami doonaan Musharrax Joe Biden iyo madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump oo yeeshay doodo adag oo foolka fool ah.