Maxaa kusoo kordhay 33-ka qof oo Hindida ah ee shirkad ‘ay ku haysato’ Muqdisho?

New Delhi (Caasimadda Online) – Dowladda Hindiya ayaa ka hadashay muwaadiniinta la sheegay in looga heysto magaalada Muqdisho, waxeyna sheegeen iney ka shaqeyn doonaan sidii loo sii deyn lahaa.

33 muwaadiniin ah oo u dhashay dalkaas ayaa lagu warramay inay afduub ku haysato shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ay ugu gar-gaarayaan shaqaalaha reer Hindiya, kuwaas oo la sheegay iney dhibaato ku heyso gudaha Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu boggiisa twitter-ka ku qoray in safaaradda ay ku leeyahiin Nairobi iyo wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonaan sidii dib wadankooda loogu soo celin lahaa 33 muwaadin oo ku xayiran Muqdisho.

Rajesh Mani oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in 33-ka qof oo ahaa shaqaale, islamarkaana 25 ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Uttar Pradesh, ay shirkad Soomaali ah ku haysato Muqdisho muddo sideed bilood ah.

Sida uu sheegay Mani, dadkan ayaa shirkadda Soomaalida ah ku biiray 10 bilood ka hor, markii ay ka heleen qandaras shaqo. Waxa uu yiri in labadii bil ee ugu horrreysay loola dhaqmay si wanaagsan, hase yeeshee sideeddii bilood ee dambe aan la siin mushaharkooda.

Markii ay dalbadeen mushaharkooda ayuu sheegay in laga qaatay baasabooradooda, loogu hanjabay in la toogan doono, laguna qasbay inay shaqeeyaan.

Waxa uu intaas ku daray inay ku dhex nool yihiin warshad ay leedahay shirkadda.

Lama shaacin magaca shirkadda dadkan ay u afduuban yihiin, iyo sababta loo haysto midna.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrinka iyadoo sidoo kale shirkadda lagu eedeeyay gabood-falkaan aysan sidoo kale afkeeda u kala furin wararka ay baahinayaan warbaahinta.