John Brennan oo dhulka ku jiiday Trump oo lagu sifeeyay 2 arrin oo aad u xun

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump lagu tilmaamo shaqsi Digtaatoori ah, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Agaasimihii hore ee CIA, Mr John Brennan.

Agaasimihii hore ee CIA, Mr John Brennan, ayaa sheegay in Trump uu yahay Madaxweyne meyl adag oo ku sifoobay laba arrin oo kala ah kuwa naceybka, iyo gumaysiga  jecel.

Mr John Brennan, waxa uu tilmaamay inaanu dalka Mareykanku soo mari doonin Madaxweyne ku dhaqan ah Trump oo uu sheegay inuu ka weekday xadka Diplumaasiyada.

Mr John Brennan oo ahaa madaxa CIA-da ee xukuumadii madaxweynihii hore ee Barack Obama, ayaa hadlakan ka dhawaajiyay isagoo farriin Twitterka ku qoray maalin un ka hor.

Mr John Brennan, waxa uu Trump ku sifeeyay Hogaamiye aan haba yaraatee laheyn xushmad iyo anshax, waxa uuna sidoo kale ku fogaaday caga jugleenta aan horay loo arag ee Trump ku caanbaxay.

Mr John Brennan, waxa uu tilmaamay in Trump habayaraatee uusan laheyn shaqsiyad Diplumaasiyadeed waxa uuna si gaara u dhaleeceeyay go’aankiisa  uu ugu aqoonsaday al-Quddus caasimadda Israa’iil.

Brennan ayaa sheegay in hanjabaada Maamulka Trump ee waddamada inay gutaan xuquuqdooda madaxbannaan ee Qaramada Midoobay si ay uga soo hor jeestaan mawqifka Maraykanka ee al-Qudus] ay tahay arin aad u xun ama xad-dhaaf ah.

Dhinaca kale, Trump ayaa ka digay in dawladiisa ay joojin doonto kaalmada dhaqaale ee dalalka codkooda siiya hanaanka qabyada ah ee QM ee ka soo horjeeda go’aankiisa uu ugu aqoonsaday  Jerusalem al-Qudus caasimadda Israel.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com