Al-Bashiir oo cadaawad hor leh u abuuraya Maxkamada ICC iyo Rwanda oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Sudan iyo Rwanda ayaa isla fahmay in si wada jira loola dagaalamo dhammaan sharciyada u degan Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ICC.

Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir iyo dhigiisa Rwanda Paul Kagame ayaa ku heshiiyay in lala dagaalamo Maxkamada ICC, oo ay ku eedeeyen inay dhabarka ka tooganeyso Madaxda Africa.

Heshiiska oo labada Madaxweyne ku dhexmaray magaalada Khartoum ayaa waxaa lagu go’aamiyay in la qaadaco wax waliba oo lid ku ah Hogaamiyayaasha Africa.

Madaxweyne Kagame oo ku sugan magaalada Khartoum ayaa sheegay in Midowga Afrika uu ka soo horjeedo maxkamada ICC, isaga oo sheegay in hoggaamiyeyaasha qaaradda ay yihiin dhibanayaal loo geysto caddaalad-darrada.

Al-Bashiir iyo Kagame, waxa ay sabab ka dhigeen in aan ku qanacsaneen adeega Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo u janjeera dhinacyo kale.

Sidoo kale, Al-Bashir ayaa amaanay kaalinta dawlada Rwanda oo doonaysa inay difaacdo Sudan iyo dalalka kale ee Afrika ee waxa uu ugu yeeray “ajendaha caalamiga ah” isagoo intaa ku daray baahida loo qabo iskaashi wanaagsan oo u dhaxeeya dawladaha Afrika si ay u muujiyaan doorka Midowga Afrika ee ICC.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Maxkamada ICC-da ay  laba dacwadood oo xarig ah ku soo oogtay al-Bashiir sannadihii 2009 iyo 2010 isaga oo  lagu eedeeyay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuqii laga gaystay Darfur.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com