Gorod oo wareegto ku magacaabay taliye cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Milatariga Somalia Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Qeybta 27-aad.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin (Koronto) oo horay u ahaa Taliyaha Qeybta 12-ka April Ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ah qeyb Cusub,waxaana ay ka Hirgeli doontaa Degaanada Dowlad Gobolleedka Hirshabelle.