John Obi Mikel oo qandaraas cusub oo shan sano ah la geli doona kooxdiisa Chelsea.

Chelsea ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah gacanta u gelin doonta xidigooda John Obi Mikel, sida ay qortay majalada The Sun.

25 jirkaan qadka dhexe ee reer Nigeria, ayaa kooxda ka caawiyey guulaheedii FA Cup iyo Champions League ee sanadii lasoo dhaafay.

Heshiiska Mikel ayaa haatan dhacaaya xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin wakiilkiisa John Shittu ayaa daaha ka qaaday: “Mikel wuxuu sida ugu dhaqsaha badan saxiixi doonaa shan sano oo qandaraas ah waxaana kor loogu qaadi doonaa mushaarka waxaana hada ka wada hadleynayaa arinkaas.

“Mikel waa mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda ugu wanaagsan waxayna kooxdu nala afgaratay inuu u qalmo heshiis cusub loona kordhiyo qandaraaska.

“Waxaa u haray hal sano waxayna Chelsea go’aansaneysaa inay ugu darto wax ka badan afar sano.”

Chelsea ayaa Mikel 2006dii kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Lyn Oslo, ka dib markii ay saxiixiisa uga adkaatay Manchester United.

Wuxuu hugaamiye ka ahaa qadka dhex ee burburinta Blues iyadoo kooxdiisu ay afar dhibcood oo nadiif ah ku hugaamineyso Horyaalka Barclays Premier League.
W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.