John Terry oo ay maanta kama dambeys u tahay racfaan uu ka qaato ganaaxii la dul dhigay.

John Terry wuxuu maanta ku dhawaaqi doonaa hadii uu rafcaan ka qaadanaayo ganaaxiisii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay ka dib markii uu hadalo cunsyri ah u adeegsaday difaaca kooxda Queens Park Rangers Anton Ferdinand.

JT iyo la taliyeyaashiisa ayaa heystay laba isbuuc inay uga soo fekeraan warbixintii ay soo saareen gudigii madaxa banaanaa ee loo xil saaray kiiska Terry iyo Ferdinand kuna soo rogay ganaaxa afarta kulan ah iyo 220 kun ee ginni, John ayeyna qasab ku tahay inuu jawaab bixiyo kama dambeys 6:00 PM xiliga England, taasoo ah waqtiga ugu dambeeya ee uu racfaan ku qaadan karo ama uu ku aqbali karo ganaaxa.

Kabtanka Chelsea oo racfaan ka qaata ganaaxan ayaana noqon dooonta mid dhibaato sii dhalisa maadaama lagu tilmaamay cafis uu weydiisto inay tahay wax aan la aqbali karin.

Fadeexada ayaa kusi dheeraan doonta hadii uu isku dayo midaas, waxaana keliya isbuuc ka harsan yahay inuu kiiskaani sano jirsado, sumcad darro ayaana loo arkaa in 31 jirkaani uu iska dhego tiro ganaaxaan.