Faah faahino ka soo baxaya dab ka kacay Beledxaawo.

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo maanta ka kacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dabka ayaa waxa uu ka kacay goob shidaalka lagu gado oo u dhow Isbitaalka guud ee degmada Beledxaawo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa soo sheegaaya in guryo badan ay ku bur bureen dabka maanta ka ka kacay degmada Beledxaawo.

Dad ku sugan degmada Beledxaawo ayaa inoo xaqiijiyay in qaasaraha uu gaarayo bur burka ilaa 100 dukaan oo kuwa ganacsiga.

Goobaha ganacsiga ee gubtay qaarkood ayaa waxaa la sheegay in dad danyar ay lahaayeen ayna ku dhax gubteen hantidii tiilay.

Marka aad dadka magaalada la sheekaysato waxaa ay kuu sheegayaan in dadka ay ka muraal jabeen dhacdada ay ku hanti beeleen maanta.