JT oo aqbalay ganaaxii afarta kulan iyo 220 kun ahaa oo ay kusoo rogeen FA-gu

Kabtanka kooxda Chelsea ayaa laba isbuuc kasoo fikiraayey qoraalkii ay dacwadiisa kasoo saareen gudigii madaxa banaanaa ee FA-gu u xil saareen hadaladii cunsuriga ahaa ee uu Terry u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.

Terry, oo la ganaaxay afar kulan iyo 22o kun oo ginni ayaana raali gelin ka bixiyey wixii uu garoonka ku dhex sameeyey, isagoo ku tilmaamay wax aan macquul ka aheyn inay ka dhacaan ciyaar kubada cagta ah.

“Waxaan doonayaa inaan fursadaan uga faa’iideysto inaan ku raali geliyo qof walba erayadii aan ku dhex isticmaalay ciyaarta,” ayuu yiri Terry.

“Inkastoo aan ka murugsanahay sida ay wax u go’aamiyeen FA-gu, hadana waxaan aqbalay inaan isticmaalay erayadaas, oo ahaa kuwa aan la marnaba laga aqbali Karin garoon kubada cagta ah iyo xitta nolashaba.

JT ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun inuu ka hoos maray heerkii ay ka filayeen taageerayaasha Chelsea. Wuxuuna sheegay inaysan mar dambe dhici doonin.

“Erayadii aan isticmaalay ayaa ahaa kuwa ka hooseeya heerkii ay iga fileysay Chelsea Football Club, iyo anigaba, tanina mar kale ma dhici doonto.”

Terry ayaa seegi kulanka sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Tottenham, marka lagu darro kulamada Manchester United ee 28da  October iyo kulanka Carling Cup ee u dhexeeya labada koox sedax maalmood ka dib, wuxuuna tababuunka ka fuuli doonaa kulankiisa ugu dambeeya ee Chelsea ay u safri doonto Swensea City.