C/Weli Gaas oo digniino iyo tallooyin isugu daray ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali gaas, ayaa tallooyin iyo digniin isugu daray ninka isaga beddelay ee C/qaadir Maxamed Shirdoon “Saacid”.

Gaas oo ka hadlayay xalaf uu xilka ugu wareejinayay Saacid, ayaa u sheegay Saacid inuu heysto fursado badan, balse uga digay qataraha hor yaalla fursadahaas.

“Saacid waxa uu heystaa fursad uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu uga bixin karo dhibaatada muddo ay la daala dhacayeen, hase yeeshee waxaa hor yaalla caqabado badan, waxaana looga baahan yahay feejignana dheeri ah si uu uga gudbo”

Gaas ayaa dhinaciisa ballan qaaday inuu tallooyin iyo wixi kal ee muhim ah uu la garab istaagi doono Saacid, si afarta sano ee soo socota ay u noqdaan kuwa ay ka sheekeeyaan Soomaalida.

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay xildhibaanada in iyaguna ay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, oo aysan noqon xildhibaanadi ka horeeyay, oo khilaaf iyo xukuumad ridis caado ay u ahayd.