Kooxda Juvuntus oo heshiiska u kordhineysa Goolhayahooda Gigi Buffon

Goolhayaha Kooxda Juventus Gigi Buffon ayaa waayo kale ku sii qaadan doono Garoonka Olympic ee Magaalada Turin, kadib markii uu Madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnelli uu ogolaaday in qandaraas cusub gacanta loo geliyo Goolhayaha Xulka Talyaaniga.

Xidigii hore ee Kooxda AC Parma ayaa la filayaa in Mustaqbalkiisa ciyaareed in uu ku soo gababeeyo Kooxda La vecchia Signora, markii Gacanta Loo geliyay Dhiil cusub oo uu ku sii joogi doono Kooxda Ka dhisan Magaalada Turin.

Buffon oo 34 jir ah ayaa kooxda Juvuntus waxa uu la sii joogi doona ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka 2016-ka , markaasi oo la filayo in uu 37 jir noqon doono.

Balse Gazzetta dello Sportayaa sheegtay in  Kooxda Juvuntus ay dhimi doonto Mushaarka 6 milyan euro ah ee  uu heli jiray  Goolhaye Buffon, waxaana haatan mushaar ahaan  u qaadann doono Aduun Lacageed oo dhan 4.5 uero.

Goolhaye Buffon ayaa Kooxda Juvuntus waxa uu sanadkii 2001-dii, kaga soo biiray Kooxda Parma, wuxuuna mudadii 11 sano eheed ee uu la joogay Naadigaas la qeyb saday Koobab Muhiim ah isagoo u saftay 330 kulan.

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Switzerland