REER AAN IS RABIN YAA RABA: Qormo khuseeysa Soomaalida qurbaha (Qalinkii Maxamed Xaaji)‏

(Gothenburg) 18 Okt 2012 Dadka Soomaaliyeed waxay intoodii ugu horreeysay ay qurbaha usoo qexeen kadib markii ay dagaaladu ka qarxeen dalkeenna Soomaaliya horaantii 80-meeyadii kuwaasoo ugu dambayntii dhulka dhigay nidaamkii dhexe ee dalka sanaddii 1991-kii.

Waxaa lakala tegey daafaca caalamka min New Zeeland ilaa New York, Bali ilaa Buenos Aires, dadka Soomaaliyeed oo ah mujtamac bulshaawi ah waxay la koowsadeen nolol cusub oo faa’iidooyin iyo khasaare, horumar iyo caqabado intaba leh, laakiinSoomaalida oo lagu sheego dad dadaal badan gaar ahaan ganacsiga aan xirfadda ku dhisneeyn (Ameteur business ) waxay ka muuqdaan dalal badan oo ay ka sameeyeen horumarro ganacsi u badan halka ay qaarkood isku dayayaan inay fursadaha jira siyaabo kale uga faa’iidaystaan.

Tiiyoo ay sidaasi jirto maanta marka aad ka fikirto mujtamac 20 sano iyo sugood qurbe joogay Soomaalidu aad bay uga hoosaysaa heerkii ay gaari kartay hadii ay dadaasho welina ma muuqdo faham guud oo ku aadan in dhibaatada jirta ay u baahan tahay xal wadareed ee waxaa weli socda is EED EEDKII dhexdeena oo aan ku darnay mid aan u jeedinayno dadka kale inagoo leh: ’’Nama arki karaan’’ ’’Nalama jecla’’ IWM kuwaasoo ay wax ka jiri karaan balse laakiin aan eeda inteeda badan anagu leenahay.

Biya dhaca maqaalka:
Qodobka aan doonayo inaan ka hadlo waa mid ku qotoma dhalinyaro deganaanta iyo nasiinada ku qooqay oo deeto bilaabay inay inta magacyo baas la baxaan ay kusoo laabtaan dhigoodii Soomaaliyeed oo ay si bilaa micne ah jidadka ugu dilaan iyagoo weliba mararka qaar raadsanaya kuwa waxgalka ah ama mustaqbalka ifaya leh.

Hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeedii lagu dilay magaalada London oo u waramaysay barnaamij documentery ahaa oo laga sii daayay ALJAZEERA INTERNATIONAL kaasoo uu Raage Oomaar ugu magac daray ’’JIIL LUMAY’’ (Lost generation) ayaa sheegtay in waxa ugu naxdinta badani aysan kaliya ahayn wiilkeedii ay jeclayd ee la dhaafiyay ee ay tahay inuu wiilkeedu uu gacan Soomaaliyeed ku boxo isagoo kumanaan mayl kasoo fog qaaquulooyinka dalkeenna ka qiiqaya.

Waxaan mar daawaday muuqaal ay inta soo duubeen ay boga muuqaallada Youtube.com  soo geliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan Maraykanka waxa ay sameeynayaan ee ay la wanaagsanaatay inay dadka la wadaagaan maaha mucaawino ay dad u qaybinayeen ama u aruurinayeen ee waa iyagoo inta jidka soo istaaga dadka oo ay kujiraan xitaa kuwa waayeelka ah ee jidka maraya si aan naxariis lahayn u qadaanqadinaya (u kala tuuraya). Bal qiyaas inta daawata iyo inta ay u sheegaan aragti noocee ah ayay naga qaadanayaan?).

Waxaa laba sanadood kahor soo baxday Cartel ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo iibinaya jirka hablaha Soomaaliyeed oo ay warbixintu sheegaysay in gabdhaha dabinkan ku dhacay ay kujireen 12 jir ilaa 13 jir.
Waxaan sidoo kale idin tusayaa muuqaal muujinaya dhibaatada ay Soomaalida Toronto ay ku hayso arinta kooxo baandooyin ahaan u abaabulan oo si micna darro ah isu dila dadka kalana dila.

Waxaa ugu yaabka badan ee aan aad uga gubtay ayaa ah in anagoo magac ku yeelanay khilaaf, qarax, iyo burcad badeed marka dalkii la eego misna in qurbihii nalala xiriiriyo magacyo aan noo cuntamin oo aan ku habooneyn magaceenna Soomaaliyeed iyo kan Islaamka aan sheeganayno waxay noqonaysaa arin aynaan indhaha ka qarsan karaynin.   Aan u istaagno soo noolaynta mageceenna sii dhimanaya.

Magacyada inoo baxay!

Sida aad warbixinta ku arkaysid wuxuu weriyaha hilinka CBC News ee dalka Canada uu warka ku bilaabayaa in GAANGIS, HUB, DAROOGO iyo DHIBAATO oo dhan ay la ciirciirayaan Soomaalida Toronto waa muuqaal runtii aad looga xumaado gaar ahaan marka qof lagala soo cararay khilaafka dhiiglaha ee dalkeenna ay XIKMADIISU noqoto inuu qori iyo daroogo daba galo! Kuna darsoo sheekooyinka noocan ihi kuma koobna hal meel. Waa yaabe maxaan ka sameeysanahay?.

Guji mareegtan hoose si aad u daawato muuqaalka:
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=wyACqSNdBAY

Tan ugu daran baase waxay tahay dabcan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga kolleey way ka badan yihiin nimankaa waawayn ee ay dalalka reer galbeedku ’’Caruurta’’ u yaqaanaan ee iyagiina is caruurreeyay ee waxay tahay in waxgaradka Soomaalidu ay u dhaqmayaan sidii goroyadii madaxa aasatay ee is tiri laguma arkee sidaa ku dhuumo inta ay duufaanta iyo colku ay ka gudbayaan.

Waxaa kale oo ka daran in hadii ay sidan kusii socdaan oo ay dadkeenna qurbuhu u kala baxaan mid Paltalk ka caytama/caytanta, mid marfash ku qayila, mid shiishad cabeeysa, mid fadhi ku dirir ka qoran, gaangistarro daroogo iyo dil u bandhigan iyo intii kale oo u kala baxda mid dhexda ku dhunsan oo  inta woxoogaa yar qabsaday Soomaalinimada inkira ama ka faana iyo mid dantii yaqaan ah laakiin aan waxba iska saarin danta guud ee mujtamacan ka dhaxeeysa isagoo aaminsan  ’’Waxba kama qaban kartid’’ runtii waxaad arki doontaan iyadoo Soomaalida loo soocayo sida Chipsy-ga oo weliba anaga naga wanaagsan waayo way midaysan yihiin ugu yaraan.

Xikmadda qaybtan

Maaha inaan ahay qof tabane ah oo dhanka xun uun wax ka eegay lkn waxaa la yiri: ”Qofkii aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto” waxaan arkaa mujtamac ay caadifad iyo collaytan ay cardaadiqaha ka dhigeen ilaa ay ka gaaraan heer ay yiraahdaan: ”Intii hebel noolaan lahaa aan wada dhimano” taasoo aan ku mataalay sidii nin laantii uu geedka ka saarnaa isla jaraya isagoo qof kale ku xumeeynaya, adigoo marka waxyaabaha aan waqtiga ku dhumino marka aad eegto ay kuusoo baxayso inaynaan wax badan oo wanaagsan sidan kusoo sidin.

La soco qayb kale……………………

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: Maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden