Jubaland oo dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay QM

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay u gudbiyeen qoraal ashtako ah oo ka dhan ah faragelin ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo aan kamid aheyn AMISOM ay ka wadaan Gobolka Gedo.

Qoraalka oo loo diray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan kuna saxiixan yahay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in Itoobiya xadgudub ay ka sameysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxaa warqadda lagu sheegay in ciidamada Itoobiyaan khafaasheen guddoomiyeyaasha saddex ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay dooneyso in Gobolka Gedo in uu ku dhawaaqo in uu ka go’ay maamulka Jubaland, taasina ay mas’uul ka tahay dowladda federaalka.

Jubaland waxa ay sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay isku dayeyso in dhammaan taliskii ciidamada ammaanka Jubaland ee gobolka Gedo ay ku wareejiso dowladda federaalka.

Jubaland ayaa ka digtay cawaaqib xumo ka dhallin karta haddii uu hir-galo qorshaha ay waddo Itoobiya.

Hoos ka akhriso qoraalka maamulka Jubaland