Mahad Salaad: Waxaa idinla wadaagayaa xogta aan ka hayo kulankii Farmaajo iyo Uhuru & sida wax u dhaceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga jawaabay xogtii uu wasiir Cawad ka bixiyey kulankii Farmaajo iyo Uhuru, isaga oo sidoo kale soo bandhigay xog uu sheegay inuu kulanka kal helay. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka.

Is-hafridda wasiir Cawad iyo natiijadii ka soo baxday kulankii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya iyo tilaabooyinka xigi doona!

Xalay waxaan dhagaystay waraysi Wasiirka Arimaha Dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu siiyay VOA ee uu leeyahay hadalka Wasiirka Arimaha Dibeda Kenya ha rumaysanina ee midkeyga rumaysta. Wasiir waxaan ku su’aalay:

Wafdiga Madaxweynaha ee Nairobi tagay kama aadan mid ahayn. Shirka labada Madaxweynena Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya waa joogtay, adiguna waad ka maqnayd oo Xamar ayaa lagaaga tagay. Marka labadiina yaa xog ogaal ah oo warkiisa la rumaysan karaa?

Sxbkey Wasiir Cawad waxaan kugu aqaanaa nin ikhiyaar ah, ixtiraam badana waan kuu hayaa, waxaan kugula talin lahaa khiyaano iyo danbi dad kale galeen in aadan adigu dusha u ridan!

Dhanka kale waxaan rabaa inaan halkaan idinkula wadaago sida wax u dhaceen iyo halista ku gadaaman arinta dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Sida aad la socotaan waxaa jiray wada hadallo mudo soo socday, natiijadooduna soo ifbaxday markii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Guulleed soo aqbalay dib dhiggida dacwada Badda ilaa Juun 2020.

Arintaan waxaa xigi doona dowlada Kenya oo geysa Maxkamada ICJ maxdarkii (minutes) shirkii magaalda Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru ee Madaxweynaha Soomaaliya ku oggolaaday in arrinta Badda lagu xalliyo habraac ay raalli kawada yihiin labada dal sidaasna kiiska Badda looga soo celiyo Maxkamada ICJ. Nasiib daro waxaa Goobjoog ka ahaa shirkaan Farmaajo iyo Uhuru wada galeen saraakiil sarsare oo ka socday wadamo dhowr ah, soona qabanqaabiyay kulankaan markiisii hore, ujeedada ay u joogeena ay ahayd in ay marqaati ka noqdaan waxa labada Madaxweyne ku heshiiyeen, si hadhow Madaxweyne Farmaajo uusan u inkirin wixii lagu heshiiyay!

FG: Shirka shalay galab ka dhacay hotelka Madaxweyne Farmaajo deganyahay waxaa jiray shir ka horeeyay oo ka dhacay Madaxtooyada Kenya heshiiskana lagu soo gaaray. Waana midka saraakiisha ajnabiga ah ay joogeen.

Hon. Mahad Salad

Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?