Dowladda Somaliland oo heshiis la gaartay jabhad si weyn uga soo hor jeeday

Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse Biixi, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland oo gacan ka helaya Aqoonyahan iyo Oday dhaqameed ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku guulaysatay inay soo afjarto kooxdaasi, isla markaana ay heshiis wada gaaran.

Jabhada iyo Mas’uuliyiinta oo si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada-hadal kadib ay isla qaateen in la soo afjaro xiisada coladeed ee ka dhex taagneed.

Waxa sidoo kale la isku afgartay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay dusha ku qaadato dhamaan tabashooyinka ay qabto Jabhadaasi, isla markaana laga howl-galo sida ugu dhaqsaha badan.

Xukuumada Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay isa soo tarayey Jabhadaha lagaga dhawaaqayey, kuwaasi oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com