Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka qarxay gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo daraawiishta aamulkaasi.
Jubaland ayaa dagaalkan toos ugu eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo tilmaamtay in duulaan cad lagu soo qaaday shacabka degmada Beledxaawo.
Sidoo kale Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay iska difaaceen weerarka uyimid dhanka ciidamada dowladda, haatana xaaladda ay dagan tahay.
“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Jubaland ay guul wayn ka gaareen dagaalkii maanta, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan guud ahaan magaalada, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ciidankii weerarka qaaday.
“Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubaland.
Dagalka ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.
Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.
Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.


