25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Jubaland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh kana digtay qorshaha…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka Jubbaland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda gobolka Gedo iyo khilaafaadka halkaas ka sii daraya.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u eegay qulqulatooyinka ka taagan gobolka Gedo, kuwaas oo ay sheegtay Jubaland in ay hurinayaan “Taliska Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.”

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland, tan ayaa ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga gobolka Gedo. Warbixintaas ayuu maamulka ku sheegay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay mid ballaaran oo uu doonayo inuu fidiyo colaadaha gudaha Jubbaland, si gaar ah gobolka Gedo, una gudbiyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa tilmaamay in arrintan ay halis ku tahay nabadda guud ee gobolka Geeska Afrika. Waxaa laga digay in colaado cusub ay abuuri karaan barakac, burbur dhaqaale iyo is-aamin la’aan guud oo khatar ku ah danaha shacabka Soomaaliyeed iyo xiriirka dalalka deriska ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka. Siyaasaddan cusub ayaa lagu saleeyay ilaalinta deegaanka, kor u qaadista bilicda magaalooyinka, iyo xoojinta nadaafadda guud.

Ugu dambeyntiina, waxaa la isku raacay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka iyo daryeelka deegaanka.

Si kastaba, kulankaan iyo hadalka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in maamulka uu boqolaal kamid ah ciidamada Jubbaland oo wata gaadiid dagaal u ruqaansadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Magaaladan ayaa waxaa haatan ku sugan oo gacanta ku haya ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo dhawaan dagaal uga saaray ciidamadii taabacsanaa Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News