Jubaland oo maamul cusub u magacowday Gedo, xilli ay xubno u go’een dhanka DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada gobolkaas, oo bilihii dhowaa ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maamulka iyo dowladda federaalka.

Digreeto kasoo baxdey xafiiska madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa xilka lagaga qaadey qaar ka mid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey mas’uuliyiin cusub.

Cismaan Xaaji Nuur, ayaa waxaa laga qaadey xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo, waxaana lagu beddaley Maxamed Xuseen Cismaan oo noqonaya guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo ee cusub.

Wareegtada ayaa sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Gardhuub looga qaadey xilka guddoomiyaha degmada Luuq, waxaana lagu beddaley Bishaar Aadan Cabdikariim.

Guddoomiyaha Luuq ee xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa saddex guddoomiye oo dhowaan sheegay inay u go’een dhanka dowladda federaalka, xilli la sheegay inay sidaas ku cadaadisay dowladda Itoobiya oo qafaalatay.

Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa waxaa isna laga qaadey xilka guddoomiyaha degmada Baardheere waxaana lagu beddaley Ismaaciil Cabdi Qorax.

Wareegtada laguma sheegin wax sabab ah oo xilalka looga qaaday xubnaha la beddelay.