Jubaland oo qeylo dhaan ka soo saartay qorshaha DF ee Gedo “War is difaaca”

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) –Maamulka Jubaland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya, in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ay ka waddo abaabul ay maamul ugu sameynayso deegaannada Jubaland, maadama dowladdu aaney aqoonsaneyn maamulka hadda jira Kismaayo ee Axmed Madoobe, uu hoggaamiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in Garbahaarey ay joogaan howl-wadeenno ay dowladdu u soo dirtay, kuwaas magaalada ku dhejinaya boorar ka tarjumaya maamulka la doonayo in halkaas laga yagleelo.

“Waxaan ka digeynaa waxa ka socda magaalada Garbahaarey oo xad gudub ku ah jiritaanka Jubbaland, waxaan marqaati kaga dhigeynaa caalamka in cawaaqib xun oo xidida dheer yeelan doona uu ka dhalan doono duulaanka ay jiritaanka Jubaland ku soo qaaday dowladda dhexe, ma jirto wax aan reeba doono, umadda reer Jubbaland waa is difaaceysaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

Maxamuud Sayid oo la hadlay Idaacadda BBC, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay caddeysatay qorshaheeda oo uusan qarsooneyn, isagoo ka digay cawaaqib uu ku hanjabay inuu daba-dheeraa doono oo ka dhalan doona waxa ka socda Garbagaarey.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa hoosta ka xariiqay in meeshii u dambeysay la marsiinayo Jubbaland oo wax kasta loo geystay jiritaankooda, isagoo caddeeyey in aysan gacmaha ka laaba doonin arrinta gobolka Gedo.

“Halkaan dowlad dhisan oo dastuur leh ayaa ka jirta, wax kasta oo dowladnimo ah ayaa u dhameystiran Jubbaland, mana ogalaa doono in wax kale laga gees dhiso, waana ka hortegeynaa waxa socda, inagoo qaadi doona tallaabooyin cad cad,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamuud Sayid Aadan.

Markii la weydiiyey waxa ay sameyn karaan? Wuxuu sheegay in ugu horeyn ay bulshada deegaanka la hadli doonaan oo dhihi doonaan ka jooga, hadii ay diidaana ay is difaaci doonaan.

“Ka jooga qaladkaan aad dalka ku heysaan ayaan dhaheynaa, hadda waan hadleynaa, hadii hadalka la diido waxaa ka dhalanaya ficil, waxaa naga go’an in gobolkaas aan difaacano, Xasan Sheekh anaga kursiga naguma sii joogi karo, dadkaan uu sida qaldan u adeegsanayana waan iska qabaneynaa,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo Gedo ka soo jeeda, ku xigeenna u ah Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News