Jubaland oo shaacisay xilliga ay qabaneysa doorashada Aqalka Sare ee afarta kursi

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee maamulka Jubaland ayaa maanta shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka harsaeyd kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta Aqalka Sare ee kuraastaas ayaa bilaaban doonto maalinta berri ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland, Dr Siyaad Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Khamiista ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsaneyd maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay soo saaray liiska murashaxiinta afarta kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa, taasi oo in ka badan laba bil ay sabab aan la aqoon u haysteen doorashada kuraasta kale.

Liiska uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa laba ka mid ah kuraasta waxaa si gaar ah loogu xiray haween, halka mid kale ay ku tartamayaan haween iyo rag, midna rag kaliya ay ku tartamayaan.

Afarta kursi iyo sida loogu kala tartamayo ayaa kala ah:

Kursiga 5-aad: Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh
Kursiga 6-aad: Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macallin Cabdi
Kursiga 7-aad: Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar
Kursiga 8-aad: Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali

Dhameystirka doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan maamulada, ayaa waxay soo dhaweynaysa in la gudo galo doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.