25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Jubaland oo soo saartay go’aan la xiriira hanaanka doorashooyinka qaranka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda goboleedka Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee la filayo in Soomaaliya ay guda gasho bilaha soo socda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021.

“Sidaas awgeed, waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaararayo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay, in aysan ka qaban karin Jubbaland wax shaqo ah oo la xiriira doorashooyinka 2020-2021.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hase yeeshee, waxaan la socod siinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in Dowladda Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qaadato doorkeeda dastuuriga ah, si waafaqsan qaraarkii Baarlamaanlca Federaalka Soomaaaliya ee ku saabsanaa buuxinta kuraasta bannaan.”

Go’aanka Jubaland ayaa caqabad weyn ka noqon kara hanaanka doorashooyinka qaran, waxaana la rumeysan yahay in sidoo kale Puntland ay qorsheyneyso inay hanaankan sidoo kale qaadacdo.

Labada maamul ayaan wax xiriir ah la lahayn dowladda dhexe, waxaana go’aanka Jubaland ee caawa uu yimid maalmo un kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo kan Puntland Saciid Deni ay Boosaaso kaga dhowaaqeen go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News