Xaaf oo sheegay in arrin uu horey uga digay ay ka taagan tahay Dhuusamareeb

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa dalbaday in la joojiyo dhammaan howlaha ka socda Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in dadka reer Galmudug ay isugu yimaadaan gogol dib u heshiisiineed.

Qoraalka Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin qaawan ku heyso Galmudug, ayna musuqmaasuqday Odayaashii dhaqanka Galmudug, soona magacawday Guddi farsamo oo agaasimeyaal ah oo soo saaray liis xildhibaanno ah shaqaale dowladeed, darawaliin iyo ilaalada madaxda Qaranka, kadibna lagu xirtay Guri ku yaalla magaalada Dhuusamareeb sida uu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Xildhibanadaas guryaha lagu xirtay lagu amray inay doortaan wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xaaf ayaa sheegay in maamulkii lagu dhisay Dhuusamareeb uu soo wajahay burbur iyo kala tag, taasoo aheyd midii uu horay uga digay.

Xaaf ayaa soo dhoweeyay musharixiinta shaaciyey inaysan ka qeybgaleynin Doorashada madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu suna oo uu sheegay in looga baxay heshiiskii lala galey, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo howsha ka socota Dhuusamreeb oo la isugu yimaadaan shir uu isago qabanqaabinayo.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Xaaf