GALMUDUG oo yeelanaysa saddex maamul goboleed

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa qaaday dhabo uu maamulkaasi ku yeelan karo saddex maamul, ka dib khilaaf ba’an oo hareeyay habsami socodka dhismaha Galmudug-ta cusub.

Caqabadaha wiiqay hannaanka ay tahay in loo maro dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa ka yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay muujisay sida aanay dhexdhexaad uga ahayn doorashadaasi.

Xilli khilaafka uu ahaa mid muddooyinkii ugu dambeysay soo jiitamaayay, balse markii dambe loo arkaayay mid u muuqday in wa-xoogaa horumar ah laga gaaray ayaa waxaa markeliya dhegaha dadka soo gaaray dhawaaq xoogan, oo ka soo yeeray Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Madaxweyne Xaaf oo bilowgii bishan gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya dib ugala soo noqday walaayadii uu ugu wakiishay dhismaha maamulkan, ka dib markii uu ka horyimid dhabaha ay dowladda u mareyso dhismaha maamulkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu xilligaa ka digay maamul gacan ku rimis uu ku sheegay inay dowladdu la dooneyso dadka reer Galmudug, haddii aanay hadda dadku hadalkiisa rumeysana ay maalmaha dhow aqbali doonaan, tiiyoo aad mooddo inay soo ifbaxday. Xaaf waxa uu markaasi uu dadka reer Galmudug ugu yeeray inay Gaalkacyo isugu yimaadaan shir lagu soo dhisayo Galmudug loo dhan yahay, guddigii uu magacaabayna waxayba soo xuleen Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad, sidoo kalena waxay soo saareen jadwal doorasho.

Saamileydii kale ee siyaasadda Galmudug ee ay dowladdu ku yab yabeysay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay qaadaceen sida ay arrimuhu ku socdaan, oo ay ku macneeyeen afduub doorasho.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo muhiim u ahayd maamulka la doonayo in lagu dhiso Magaalada Dhuusamareeb ayaa qaadacday Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, haddii ay dowladdu sad-bursi sameysay, ayna kala qaybsamayn Guddigii Doorashada Madaxtooyada, waxay sidoo kale soo saartay jadwalka doorashada ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Afar ka mida musharaxiinta u taagan jegada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxay xalay sheegeen inaanay suurtagal ahayn in laga qaybgalo doorasho, uu kala qaybsan yahay guddigii garwadeenka ka noqon lahaa. Musharaxiinta waxay ku baaqeen in Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu xal u raadiyo kala qaybsanaanta ku yimid guddiga, hase ahaatee ma jirin cid warkooda wax ka soo qaaday.

Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo wax laga weydiiyay cabashada ay musharaxiinta qaarkood ka keynayn kala qaybsanaanta Guddiga Doorashada Madaxtooyada ayaa si aan laga fiirsan u sheegay inaanay musharaxiintaasi buuxin shuruudihii laga doonaayay.

“Sharci ahaan marka la fiiriyo musharaxu marka uu is diiwaangeliyo, shuruudaha laga rabo uu biixyio, shahaadadana uu qaato ayuu musharax rasmi ah noqonayaa. Marka dad badan oo hadda hawo iyo hami ku jiraa jira, oo yiraahdeen waxaan rabnaa inaan u tartano Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Galmudug, laakiin weli shuruudihii ma soo dhameystirin. Dadka qaar intii habraacii iyo nidaamkii aysan dhameystirin ayay dhexda ka laabtaan, ayagoo doorashada ama ka baqa ama laga yaabo inay buuxin waayaan shuruudihii laga rabay. Warkoodu sharci ahaan markaan u fiirino macno maka samaynayo maamul u samaynta Galmudug.” Ayuu yiri Gacal.

Wararka ayaa sheegaya in musharaxiinta ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Gacal, waxayna markale ay caawa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula leeyihiin Hoggaanka Sare ee Ahlu Sunada Galmudug.

Wakiilada Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan iyo musharaxiinta ayaa waxaa la aaminsan yahay inay isbaheysi wadaag la yihiin Ahlu Sunna, isla-markaana ay u badan tahay inay taageeraan jadwalka doorasho, ee ay soo saartay Ahlu Sunna, haddii aan la xalin tabashooyinka jira.

Dowladda Federaalka oo garab ah iyo saamileyda siyaasadda Galmudug oo dhinaca kale ah ayaa ku kala fogaaday dhismaha maamulka, ay tahay inuu noqdo mid ay raali ka yihiin dadka deegaanka.

Saamileyda Galmudug isuma diidana inay dowladdu dayacday kaalinteedii ahayd inay doorashadu dhexdhexaad ka noqoto, inkastoo saamileyda ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ay oogayaan laba maamul, oo ka dhanka ah midka ay dowladdu ka waddo Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dadka reer Galmudug iyo beesha caalamkaba oo doorkoodu uu ku soo uruuray inay indhaha uun ka daawadan waxa ka socdo Dhuusamareeb ayaan dhanka kale la dhacsanayn kala qaybsanaanta ka dhashay dhismaha Galmudug, oo sababteeda ay leedahay Dowladda Federaalka.

Iskusoo wada-duuboo xaalka Galmudug oo mid Allow sahal ah ayay dadka qaarkii ka walaacsan yihiin in gacan ka hadal uu ka dhasho doorashada la isku diidan yahay, bacdamaa aanay muuqan dadaalo looga baaqsan karo, loogana gudbi karo khilaafkan taagan.