Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox hubeysan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aan helayno ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland uu ku geeriyooday Isbitaalka Hargeysa, kaasi oo dhaawac culus ka soo gaaray dil aargoosi oo loo geystay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sarkaalkan oo lagu magaacabi jiray Maxamed Maxamuud Ilko-qor, ayaa todobaadyo un ka hor lagu toogtay magaalada Qori-lugud, sababo la xidhiidha aargoosi.

Dhowr nin oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa Sarkaalka si gaar ugu beegsaday haybtiisa, kaasi oo ay uga aargudayeen Dable hore oo ka soo jeeday Beesha Habar Jeclo oo lagu diley xerada ciidamada Hargeysa, isla markaan uu dilay Askari ay isku hayb yihiin Sarkaalkan ku geeriyooday Isbitaalka Hargeysa.

Sarkaalkan ayaa heyb ahaan ka soo jeeda deegaanka Fardo lagu-xidh ee gobolka Awdal, iyadoona ay deegaankaasi ka soo wada-jeedaan Ninkii hore ee dilay Dablaha isaga looga aaray, kaasi oo weli gacanta ugu jira Ciidamada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili uu sarre u kacay dilalka lala beegsanayo Ciidamada Somaliland, iyadoona Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi aysan wax war ah oo rasmiya ka soo saarin dilkan iyo kuwa kale ee lala beegsado Ciidamadeeda.