Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyay ee xalay iyo shalay ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.
Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in dagaal xalay ka dhacay gudaha degmada Doolow ay soo qaadeen ciidamada Nabad-sugidda ee dowladda, isla markaana beegsaday xarumaha ciidamada Jubaland ee magaaladaasi, sida lagu sheegay qoraalka.
Sidoo kale Jubaland ayaa tilmaamtay in weerarkan uu qayb ka yahay qorshaha Villa Somalia ‘ee ay xasilooni darrada uga abuureyso’ Ged, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale waxaa warsaxaafadeedka lagu soo qaaday dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo, iyada oo Jubaland ay sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeda, ayna ka dambeeyeen ciidanka dowladda ee ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaasi.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in dagaalkaas uu ka dhashay burbur xooggan oo hantiyeed iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran;-
Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, iyadoo shakhsiga hoggaaminaya damacan gurracan oo aan ka tirsanayn CXD, diyaarad dagaal uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ku geeyay xerada UK xili inta badan garoomada diyaaradaha gobolka ay cunoqabateyn saaran tahay oo loo diiday dadka shacabka ah inay ka dhoofaan iyadoo aalad dagaal loo adeegsanayo awoodda maamulka hawada Soomaaliya.
Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka.
Dhanka kale, ciidamada nabadsugidda ee ka amar qaata eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ee fadhiigoodu yahay magaalada Doolow, ayaa xalay weerar gardarro ah ku qaaday xarumaha ciidamada Dowladda Jubaland ee magaaladaasi. Weerarkan wuxuu astaan u yahay damaca sii fidaya ee ah in la carqaladeeyo xasilloonida Jubaland, iyadoo la adeegsanayo awood ciidan oo sharci darro ah isla markaana colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanka.
Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta amniga shacabka, difaaca dhulka Jubaland, iyo ka hortagga dhammaan qorshayaasha gurracan ee ay wadaan taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.
Weerarada uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday Jubaland waxay si toos ah u wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna carqaladeynayaan jihadii mideysnayd ee lagula dirirayey argagixisada. Jubaland waxay si weyn uga xun tahay in kooxda Khawaarijta ay la wareegto degmada Maxaas, taasoo muujinaysa halista ay leeyihiin khilaafaadka siyaasadeed ee lagu hagayo awood ciidan oo aan sharciyad lahayn halkii xoogga laga saari lahaa dagaalka Khawaarijta.