Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa dhagaha ka fureystay baaqii beesha caalamka soo saartay, wuxuuna sii wataa jadwalkiisa doorasho ee dhawaan soo saaray guddiga doorashada maamulka.
Shalay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, kaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loogu doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod.
Waxaa sidoo kale la diiwaan-geliyay saddex cod oo xumaaday, sida uu shaaciyay guddigii doorashada ee guddoonka golaha wakiilada Jubbaland.
Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kasii dareysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaa madaxweynaha Jubbaland ugu baaqday inuu ku soo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si khilaafka loo xaliyo inta aan la dhameystirin ansixinta baarlamaanka ee shuruucda doorashooyinka.
Si kastaba, natiijada doorashadan ayaa muujineysa in uusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhaceysa 25-ka bishaan, waana sababta ugu dhagan yahay doorasho gaar ah.