Jubbaland oo digniin yaab leh u dirtay dadka wararka uga qora baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Jubbaland ayaa digniin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya warar ay u arkaan inay yihiin kuwo looga been abuurayo Jubbaland.

Taliyaha ciidamada booliska ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Sare Maxamed Naasir Guuleed, oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn dadka baraha bulshada ku qora wararka la xiriira Jubbaland.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay jiraan dad badan oo warar beena buur ah ku qora baraha Bulshada gaar ahaan Barta Facebook, waxaana uu sheegay inay garbaashi doonaan cid walbaa oo arimahaasi ay ku qabtaan.

“Waxaan rabaa inaan u sheego cid kasta oo wadada Sharciga ah la leexato in tallaabo laga qaadi doono, kuwa xun xun ee Facebook wax ku qora waxan u sheegayaa in aanan ka yeeli doonin oo karbaash baa u yaalla” ayuu yiri Taliyaha.

Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay digniino kala duwan u jeedineysay dadka mucaaradi kara maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Ciidamadda Amaanka Jubbaland ayuu sheegay inay la xisaabtami donaan qof kasta oo faafiya Warar been Abuur ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com