DF oo shaacisay sababta ay kooxda QM ugu diiday keydka hubka dowladda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ka dambeysay in kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia loogu diiday inay ogaadaan keydka hubka ee dowladda Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse ayaa ku daabacay bartiisa Twitter-ka in aysan jirin dad dibadda ka yimaada inay siday doonaan ka yeelaan goobaha xasaasiga ah ee dowladda.

Hadalkaasi ayaana Jawaab u ahaa warbixinta kooxda ay u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo aheyd in marar badan laga hortaagay ogaanshaha keydka hubka si ay warbixin kaga sameeyaan.

Keydka hubka ee dowladda ee ku yaala xerada Xalane ayay sheegeen in loo diiday inay sawiro ka qaataan ama ay la galeen kaamirooyinka wax duuba, sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in xafiiska lataliyaha Madaxweynha uu saddex jeer u oggolaaday in ay galaan Bakhaarrada keydka Hubka ee Soomaaliya laakiin uu labo jeer oo kale u diiday.

Intii u dhaxeysay February ilaa May 2018 Kooxda dabagalka waxaa ay sheegeen in Keydka Hubka ee Soomaaliya ku soo arkeen 27,000 oo Qoryaha RPG7 ah,kuwaas oo yaallay Bakhaar saqafkiisa sare la dacaytiray, sidoo kalena darbiyada Bakhaarka la xoojiyay,waxaana howshaas  dayactirka ah qabatay Hay’adda Miina Baarista ee Main Action.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com