DF oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaga dacwootay dowladda Imaaraatka Carabta oo faragelin ku heyso Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Abuukar Cusmaan ayaa ka dalbaday golaha amaanka inay go’aan ka gaaraan Xad gudubta Imaaraatka uu ku hayo xayiraada hubka ee Saaran Soomaaliya.

Danjiraha ayaa golaha u gudbiyay in Imaaraatka hub badan ay gelinayaan Somaliland, taasi oo xad gudub ku ah madax banaanida iyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale xad gudub ku tilmaamay dhismaha saldhiga Berbera ee Imaaraatka oo horey golaha labada aqal ee baarlamaanka ay go’aan cad kaga gaareen in shirkadda DP World aysan dhisan karin saldhigaasi.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya uu ku xadgudbayo Imaaraatka, maadaama maamulada qaar uu siiyay hub dowlada aysan la socon.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaaday waxii ka dambeeyay markii dowladda ay garoonka diyaaradaha ka celisay dhaqaalo badan oo Imaaraatka uu doonayay in Muqdisho lasoo geliyo, waxaana kadib xigay guuritaanka Imaaraatka uu ka guuray Muqdisho.

Xiriirka labada dowladdood ayaa sidoo kale xumaaday markii xulufada Sacuudiga ay xiriirka u Jareen dowladda Qatar, dowladda Soomaaliyana ay  ka biyo diiday inay go’aankaasi raacdo, iyadoo dhexdhexaad ka noqotay xiisadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com