Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaallada ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si loo hubiyo, ayey tiri, tayada caafimaada ee dalka.
Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba isbitaal oo ku yaalla Muqdisho.
Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si fowdada ay u yaraato, sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Caafimaadka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]