JUBBALAND oo odayaal dhaqameed ku xir-xirtay DHOOBLEY + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in tiro odayaal ah ay ku xireen xabsi ku yaalla magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa laga soo qabtay agagaarka deegaanka Diif oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeyso maleeshiyo beeleed hubeysan.

Mid ka mid ah nabadoonada xiran oo ay u suuragashay inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay wajahayaan xaalad adag, wuxuuna shaaciyay in aysan ogeyn waxa loo xiray.

“Odayaal xiran oo nabadoono ah ayaanu nahay, waxaan ku xiranahayna waxaan ognahay maaha,” ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online odayaasha dhaqanka ee lagu xiray Dhoobley ayaa loo heystaa colaadda ka taagan deegaanka Diif, gaar ahaan saddex qof oo lagu dilay halkaasi.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in odayaasha la xiray ay qaraabo dhow yihiin maleeshiyaadka loo heysto dilka saddexda qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiishaJubbaland oo ku aadan xarigga odayaashaasi, balse waxaa socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa xiisad xoogan oo u dhexeeysay maleeshiyaad beeleed hubeysan waxa ay ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.