Jubaland oo weerarkii NISA ee gudaha Kenya la xiriirisay khilaafka dowladda Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mandera, taas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradooda lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.

Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaas oo gacanta u galay kooxda NISA.

Jubbaland oo haatan ka hadashay falkan xiisadda ka abuuray xadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, waxayna tacsi u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeeda.

“Arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay, waa wax aanu qorsheysanin, ugana tacsiyeynayno dowladda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerarkaasi la xiriiriyay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay abaabuuleen siyaasiyiin dano gaar ah leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax walba sabab ayay leeyihiin. Is-afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dano leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan. Maxaa yeelay, maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado,” ayuu mar kale yiri.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray: “Cidda ku lugta leh iyo annaga waxaa la rabaa intaan dib u wada fariisano inaan deegaankeenna horumarkiisa iyo amnigiisa ka shaqeyno, ayna naga nabad-galaan dadka aan deriska nahay.”

Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Kenya, isaga oo ka dalbaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka ku nool deegaannada xuduudda, gaar ahaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera.

“Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa in dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera iyagana la ilaaliyo xuquuqdooda, oo aan dhacdadan dhacday wax la xiriira dhibaato loogu gaysan,” ayuu yiri.

Horay, dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna qaaday tallaabo ay uga falcelisay dhacdadaasi, waxaana ay dib ugu celisay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerarkii ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera.

Si kastaba ha ahaatee, raggii weerarka fuliyay weli lama hayo. Dhankooda, ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan eedeysanayaasha, si gacanta loogu soo dhigo, kadibna looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.