JUBBALAND oo war kasoo saartay shirka MUQDISHO

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee Hoggamiyo Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka horyimid shirka Maanta Magaalada Muqdisho ugu Furmay Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeyb-galeen.

Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jubbaland,hayeeshee Baraha Bulshada kaliya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maaliyadda,hayeeshee ay aheyd in la casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan” ayuu yiri wasiir Qalinle.

Waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubbaland ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga ee Muqdisho ka furmay ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhankeeda ay qaadacday Shirkaaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com