Sawirro: Jubaland oo xukun adag maanta ku ridday rag ku kacay qiyaano qaran

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa maanta la horgeeyay  Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Cabdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran, isla markaana ay la goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah & qori AK47 oo ay lahayd dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi Maxamed  ayaa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland wuxuu ku soo eedeeyay in ay Al-Shabaab u gacan galiyeen gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa u qornaa sidatan:-

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay Argagixisada, iyaga oo aaminsanaa in ay ka heli doonaan dhaqaale badan, balse waxay ku dhaceen dhagartii lagu yaqiinay Khawaarijta, waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ marka ay argagixisada gaariga iyo qoriga u geeyaan.

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa loo heystaa in Khawaarijta uu u gacan galiyey qori BKM ama Dabajeex, kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadibna u hayaamay gobolka Baay, gaar ahaana magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka hayeeshee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta ayaa lagu doo dhigay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn  ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay Argagixisada ka iibsadeen.

Raggan ayaa si yaabo kala duwan usoo galay gacanta hay’adaha amniga, ayada oo midkii ugu dambeeyay laga soo qabtay degmada Dhoobley, labada kalena laga qabtay Muqdisho.