Afar arrin ka ogow weerarkii lagu qaaday HOTEL SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa habeenkii Khamiistii weerar ku qaaday hoteelka oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo dhanka amniga ah u sheegeen warbaahinta.

Dhowr mas’uuliyiinta dowladda iyo shacab kale ayaa la rumeysan yahay inay ku waxyeeloobeen weerarkan.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

“Dhowr dagaal-yahanno ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Halkuu ku yaallaa Hotel SYL?

Hotel SYL wuxuu ku yaal xuddunta dowladda Soomaaliya, halkaas oo kaliya aysan ku oollin madaxtooyadu balse sidoo kale xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir, amaba haddaan si kale u sheegno; Villa Soomaaliya iyo Hoteel SYL oo ah labada u kala fog intooda, waxaa u dhexeeya qiyaastii shan boos oo kaliya.

Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noqnoqdeen.

Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

Sida ay qabaan khubarrada ka faallooda amniga Soomaaliya, muhiimadda halka uu ku yaallo hoteelkani iyo in uu yahay halka ugu soo horaysa ee laga bilaabi karo weerar ku wajahan xarumahaa dawladda ayaa kooxda al-Shabaab uga dhigtay bartilmaameed muhiim ah, waana taas sababta ay marar badan u weerareen walow uusan kali ku ahayn hoteelkani werarrada ay al-Shabaab la beegsato hoteellada Muqdisho.

Marar badan oo la weeraray hoos ayaan ku xusi donnaa, balse aan eegno marka hore sida loo sugo ammaanka hoteelkan.

Sidee loo ilaaliyaa Hotel SYL?

Guud ahaan aagga uu ku yaal Hoteel SYL oo ah xayndaabka guud ee madaxtooyada iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya ayaa ammaankooda loo sugaa sida ugu adag ee suurta gal ah.

Saddex afaaf oo aaggan laga soo gali karo waxaa ku yaal baro kontorool oo lagu sugo ammaanka aagga isku dhafan ee muhiimka ah.

Isgoyska Taallada Xaawa Taako oo qiyaastii 450 mitir u jirta hotel SYL, waa mid ka mid ah baraha kontorool ee ay sida joogatada ah ugu sugan yihiin ciidmada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada oo lagu magacaabo guutada madaxtooyada.

Halkaas haddii laga soo galo, marka aad joogto hotel SYL gacanta midig waxaa kaa xiga madaxtooyada oo ay ka sokeeyaan Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargaysa, hase yeeshee hortaadana waxaa ah Isgoyska Taallada Sayidka oo qiyaastii 650 mitir u jirta hoteelka.

Isgoyskaas asna waxaa ku sugan ciidanka ilaalada madaxtooyada oo sidoo kale jooga isgoyska Ceelgaabta oo dhanka bidix qiyaastii 350 mitir oo kaliya ka saaran hoteelka SYL marka loo jeedo dhanka Taallada Sayidka.

Ka sokow noocyada kala duwan ee ciidamada amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa sirdoonka oo la socda xogta dhaqdhaqaaqyada agagaarka xarumahan muhiimka ah, saddexda isgoysba waxaa ku sugan ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Qofka tagaya hoteelka SYL waa in uu soo maro mid ka mid ah saddexda meelood ee aan sheegnay in laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Sidee u dhacay weerarka SYL?

Marka aan eegno sida loo sugo aagga uu Hotel SYL ku yaal oo aan kor kusoo sharraxnay, marka uu dhaco weerarkan oo kale waxaa la is waydiiyaa siday ku suurta gashay in la galo halkaas?

Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sharraxaya laba suurtagalnimo oo dhici kara.

Tan kowaad, Axmed wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan baraha kontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada laga mamnuucay in ay lacago ka qaataan dadka adeegsanaya marinnada taas oo suurta gal ah in ay hadda soo laabatay sidaasna ay lacag ugusoo gudbeen dagaalyahannada al-Shabaab.

Waxaa dhici karta, ayuu yiri, Axmed “ciidanka ama cid kale ha noqotee in loo fududeeyay” isaga oo kusii daray “sababtoo ah dhowr bar kontorool ayaa yaalla meesha, dhowrkaas mid ka mid ah ayeyna ku dhici lahaayeen” haddii aan loo fududeyn.

Wuxuu Axmed sheegayaa inay jirto habacsanaan dhanka amniga ah, gaar ahaanna bar-koontaroolyada.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed waxa uu sidoo xusay in ay kooxdu heshay “nafis” maaddaama sida uu sheegay inuu ka yaraaday culayskii ka saarnaa furimaha dagaalka oo uu sheegay in ay fursad u heleen in ay weerarro ka geystaan gudaha caasimadda.

Wuxuu qabaa “in dagaalyahannada al-Shabaab loo fududeeyay si walbo haku dhacdo ama ciddii doontaba ha sameysee.”

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa toddobaadkan soo baneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.

Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay oo ay haatan iyagu ku sugan yihiin.

Xilliyada la weeraray Hotel SYL

Laba iyo labaatankii Jannaayo ee sannadkii 2015, waxaa hoteel SYL ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagusoo raray walaxa qarxa, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Burbur xooggan ayaa xilligaas soo gaaray hoteelka oo la sheegay in markaas ay ku sugnaayeen masuuliyiin aan waxba ku noqon oo ka tirsanaa dawlad goboleedka Puntland.

Qaraxa dhacay 2015, ayaa kusoo aday xilli amniga Muqdisho aad loo adkeeyay maaddaama maalinkii xigtay ee 23-ka bisha la filayey in uu yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas raysal wasaare ahaa.

Bishii Agosto ee sannadkii xigay hoteelkan ayaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo dhaliyey khasare ballaaran. Dad ka badan labaatan qof ayaa ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Hoteelkan oo markaas la qorshaynayey in lagu qabto shir looga hadlayo amniga ayey ku dhaawacmeen wariyeyaal dhowr ah oo ku sugnaa xilliga weerarku dhacayey.

Waxaa weerarkaas dhacay 2016-kii sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

Sanadkii 2022, kooxda ayaa gashay hoteelka Villa Rays oo isla caasimadda ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay ilaa 14 qof.

Isha: BBC