Ciidanka badda Hindiya oo weeraray burcad badeedda afduubtay Markabka RUEN

Muqdisho (Caasimada) Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyeen xeebaha bari ee Puntland, kaas oo lagu beegsaday burcad badeed dhowaan afduubatay markabka Ruen oo marayay badda cas.

Markabka oo ah xamuul, isla markaana uu ka babanaayay calanka Malta ayaa waxaa rasaaseeyay Burcad badeeda, kadibna afduubtay, iyaga oo la tegay xeebaha EYL.

Ciidamada Hindiya ee howlgalka qaaday ayaa hareereeyay markabka, waxayna ka dalbadeen burcad badeedda inay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda.

Wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe markabka uu gaaf wareegayey xeebaha badweynta hindiya gaar ahaan Hobyo ilaa Eyl ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare uu ka dhashay howlgalkan, isla markaana la dhaawacay qaar kamid ah burcadda saarnayd markabka.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax oo la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay dhacdadaan, wuxuuna sheegay xittaa in dab uu qabsaday markanba, sidoo kalena ay waxyeelo gaartay qaar kamid ah burcad badeedda.

‘‘Shalay galinkii danbe ilaa xalay ayaa ciidamada badda ee Hindiya weerer ku qadeen Markabka, warbixinaddii ugu danbeyey ee an helnay waxay sheegayaan in markabka qaybta danbe uu dab ka kacay oo laga arkayo bariga, xogtu waxay sheegeysaa in burcada ay qaybi dhaawac tahay” ayuu yiri wasiir Axmed Yasiin.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxda ay isku dayeyso iska caabin, balse qorshuhu yahay in lasoo afjaro saacadaha soo socda.

‘‘Waxay samaynayaan waxkasta oo ay isaga yarayn karaan culayska waxay samaynyaan inay waxna gubaan, markabka dhexdhiisa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan, laakiin qorshuhu waxaa weeye in aan qof burcad ah loo aabo yeelin haddii lagu gubayo ama ay ku dhimanayaan” ayuu sii raaciyey Axmed yaasiin.

Afduubkan ayaa noqday kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.