26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Jugta qarax xooggan oo laga maqlay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan ay ka dhaceen meel ku dhow Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir.

Qaraxyada ayaa lasoo sheegayaa inay ahaayen laba Qarax oo is xig xiga kuwaa oo Jugtooda inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib ay ciidamadu rideen rasaas xoogan iyadoo ay ciidamadu isku gadaamen laba gaari oo jugta Qaraxa xoogiisa ay gaartay.

Ciidamada AMISOM aya inta badan Qaraxyo lagula eegtaa agagaarka Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir kuwaa oo ay ka dhashaan khasaaro kala duwan.

Ilaa iyo wali ma cadda Khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana sida la tilmaamay qaraxyada ay ahaayeen miinada nooca  dhulka lagu aaso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News