Nidaamka 4.5 iyo billowgii cunsuriyadda Soomaaliya

Waa maxay cunsuriyad? erayga cunsuriyad waxaa lagu qeexaa in uu yahay “marka dadka qaar ay aaminaan fikrado ka soo horjeeda dadka kale oo ku dhisan dhaqan ama diin. Waxay aaminaan in ay ka wanaagsanyihiin ama ka fiicanyihiin kuwa kale” taasoo keenta in markaas ay dhalato cunsuriyad xaga ficilka ah sida in loo diido adeegyada iyo in lala qeybsado nolosha.
 
Dhaqanka soomaalida wali kama dhaman cunsuriyada. Waxa jiraay dad la cunsuriyeeyo malin walbo oo lagu yeero erayo xun sida “Laangab” iwm.
Cunsuriyadaas xitaa waxay gaadhay in laga dhigo sharci oo lagu daro dastuurka wadanka iyadoo loogu yeeray 4.5 system taasoo dadka qaar laga dhigay in ay nusyihiin. Waa dadka isku dhiiga ah, isku dalka ah, isku luuqada ah, iskuna diin aah.
 
Dhibaato walbo oo bulsho qabsato waxaa lagu xaliyaa in marka hore asaaskeda la ogaado. mar hadiibo dasturki umada soomaaliyeed uu ba qeexayo in dadka qaar aay nuus yihin oo aysan ku xaquuq aheyn umada laga tiraada badan yahay sidee xaal waro loga garaa midab takoorka umada kuso badanaayo.
 
Dadka laga tiraada badan yahay aya la kulmaan dhibatooyin badan sida shaqo la aan, dil jogto ah iyo in laga faano gurkooda. Dhibka umadas heysto ma ahan mid qoral lagu so koobi karo.
 
Ayantan waxa wali si weyn loo hadal hayaa guurki sababta uu noqday in la dilo Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Dowlo, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn loo wada cambaarayey culimo caamo iyo siyaasiyin badan. Lamaanaha guurkooda sababta uu noqday in la dilo wiilka adeerkis arimo la xariiro xeeb sooc ayanan wali jirin wax ila iminka maxkamad lasoo taage.
 
Tobon sideed sano ka hor bey aheyd kalkii Soomaali qorshaha 4.5 ee aan saldhiga laheyn isku deyday, si ku meel gaar ah, in ay ku caano maasho.  Tobon sideed sano kadib,  “caano la maaley” iyo meel la gaaray Soomaali Maxamed mahayso wax guul ah oo 4.5 ay soo hoydeyna ma jirto.  Balse waxay abuurtey nacayb iyo faham guud oo bulsho kuna aadan xaqdarada ay 4.5 u horseeday dib u soo abuurista hab-maamulka Soomaaliya danaheeda.
 
Nidaamkani wuxuu si cad iyo si dadban ku abuurey dhamaan bulsho weynta Soomaali cuqdad nafsi iyo xanuun eexasho la sharciyeeyey.   Xumaha 4.5 kuma eka oo kaliya danaha siyaasasadeed ee shacabka Soomaali ee loo qoondeeyay 0.5, balse waa mid falsafad, sharci-dajin, iyo dhaqan ahaan u taabanayo dhamaan bulshada iyo shacabka Soomaaliya si wadajir ah. 
 
Sidaa darteed, 4.5 waa qorshe-marinhabiibin, Soomalina ka gilgilatey, maantana, 18 sano kadib, u baahan in la saxo qaladaadkeeda iska cad. Ficilkaas daryeelka dano-bulshada, waa waajib hor-u-socodnimo oo dhamaan Soomaalida dan-guud u ah inta laga gaarayo hirgalinta nidaam cadaalad iyo sinaan raad-raac leh ka abuurmayo
Qore:  Mohamed Abdi Mohammed