Diiwaanka Musharraxiinta Puntland 2019: Cabdi Juxaa

Waa kuma Cabdi Faarax Juxaa?

Juxaa waxa uu ku dhashey miyiga gobolka Nugaal qiyaastii 1965, waxbarashadiisa asaasiga ah waxa uu ku qaatey magaalada Garoowe, kadib isaga oo yar waxa uu u talaabey dalka Itoobiya si u uga mid noqdo Jahmaddii SSDF ee dagaalka kula jirtey Dowladdii Kacaanka. Muddadii uu ka tirsanaa Jamhadda waxa uu kamid noqdey hawlwadeenadii Radio Halgan ee ay iska lahaayeen Jamhadihii hubeysnaa, kadib waxa uu nasiib u helay waxbarasho deeq ah dalkii la oran jirey Czechoslovakia, gaar ahaan qaybta hadda loo yaqaan Czech Republic, waxaana uu halkaas ku bartey Saxaafadda, bilowgii sagaashamaadkii waxa uu u wareegay Waqooyiga Ameerika halkaas oo uu magangelyo ka helay.

Sanadkii 2005 ayuu dib ugu soo laabtey Soomaaliya, waxaana uu shaqo cilmibaaris ah ka helay hay’adda PDRC, taas oo wadada u furtey in uu dalka ku sugnaado isla markaana ka qabto shaqooyin kala duwan.

Bilowgii soo gelitaanka Siyaasadda

Sanadkii 2009 ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole u magacaabey in uu noqdo wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, xilkaas waxa uu hayey muddo shan sano. Mudadii uu xilka Wasiirka Waxbarashada hayey waxaa la sheegaa in uu wax badan ka beddalay Wasaaradda, waxyaabaha lagu xusuusto waxaa kamid ahaa:

  1. In uu wax ka qabtey dalladihii waxbarashada ee gacanta ku dhigey nidaamka waxbarashada ee dalka oo dhan, kuwaas oo horseeday in waxbarashada asaasiga ah ay noqoto mid jiho iyo jaah lahayn oo ku xiran dalal shisheeye manaahijtooda, sidoo kale waxa uu gacantooda ka soo saarey Waxbarashadii deeqda ahayd ee ay heli jireen Daladuhu.
  2. Mideynta imtixaanada shahaadiga ah.
  3. Awood siinta Agaasimayaasha Wasaaradda oo shaqadooda u madaxbanaanaa.
  4. Dejinta qorshaha shanta sano ee Waxbarashada Puntland

Cabdi Faarax Siciid mudadii uu haa Wasiirka waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa siyaasi madax-banaan, tusaale ahaan kama mid noqon isjiid-jiidkii siyaasadeed ee Puntland ka aloosmey 2012-2013 kadib marii Xukuumaddii Faroole ku dhawaaqdey hal xisbi oo ay sheegtey in golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Agaasmiayaashuba ay Xisbigaas ka wada tirsan yihiin, Juxaa kama mid noqon Xisbigii Horsed sida uu sheegay, Madaxweynihii xiligaas Faroole waa ku ixtiraamay aragtidiisa, sidoo kale Juxaa kuma dhex milmin siyaasiyiintii Madaxweynaha shukaanta la qabsadey ee Aaran Jaan.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Mar kale ayaa Cabdi Faarax Siciid Juxaa ku soo laabtey siyaasadda, waxaana bishii Maarso 2017 loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, waa xilkii u weynaa ee uu qabto, Juxaa xilkaan muddo dheer ma hayn waxaa khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Raysalwasaare Kheyre, kadib markii uu shaqo joojin ku sameeyey Xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim oo lagu eedeeyey in uu noqdey shakhsi xitaa ka awood badan Wasiirka, laakiin waxaa la saftey Raysalwasaare Kheyre oo saaxiib iyo xigtoba la ahaa Yaxye, Juxaa oo kamid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Madaxweynaha ayaan ka helin wax difaac ah Madaxweynaha, taas oo ugu danbeyn sababtey in uu xilkiisii waayo.

Juxaa Mudadii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa Dowladda federaalku lugaha la gashey khilaafyadii u weynaa ee Dowlad goboleedyada, Cabdi faarax Siciid ayaa la sheegaa in uu khilafkaas dhinac ka istaagey oo difaacey nidaamka federaalka, waxaana si gaar ah libin ugu haya Galmudug.

Dhaliilaha markii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland

Marka laga yimaado guulaha uu ka gaarey wax ka beddelka Wasaradii Waxbarashada ee Puntland 2009-2013, waxaa jira dhaliilo loo jeediyo wasaaradda waxaana ugu weyn qaabka loo maamuley deeqaha Waxbarashada in aan loo sineyn oo iskoolada ku yaala caasimadda Puntland ee Garoowe ay heleen ardeydii ugu badneyd, eeda ugu badan ayaa ahayd deeqdii Waxbarashada ee Turkiga ee imtixaankeeda lagu qaadey magaalada Gaalkacyo.

Imtixaanka ayaa la sheegaa in ay u fariisteen 5000 oo ardey, hal maalin gudaheedna lagu saxey, ardeyda ayaa u fadhiyey saddex saddex iyo ka badan.

Wasaaradda ayaa isku difaacdey in imtixaankaas ay maamushey Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Muqdisho, Imtixaankaas ayaa lagu eedeeyaa in si bakhtiyanasiib ah loo qaadey, ardeyda oo dhana aan fursad la wada siin ee ay ka faa’ideysteen ardeydii soo gaari kartey oo keliya.

Wasaaradda oo iska difaaceysey eedaha loo jeediyey ayaa soo saartey magacyada ardeydii ku guuleystey deeqdii waxbarashada ee Turkigia 2011, iskoolka ay ka soo baxeen iyo gobolka ay asal ahaan ka soo jeedaan, taas oo ahayd fadeexad kale.

Afartii sano ee u danbeysey waxaa hoos u dhacay ardeydii kaalimaha kowaad ku soo bixi jirey Iskoolada Gambool iyo Cumar Samantar, gaar ahaan sanadkan waxaa la dareemay in hoos u dhac weyn ku yimid iskuuladaas, Siyaasi Cabdi Faarax juxaa ayaa ku dooda in xiligiisi ay awood saari jireen iskoolada Public ah sida Sheekh Cismaan, Gambool iyo Cumar Samanter taas oo sababtey in iskooladaas qaar kamid ah ardeyda wax ka dhigataa ay kaalimaha hore galaan kuwaas oo urursan jirey deeqda waxbarasho ee ugu badan, laakiin hoos u dhaca hadda ku yimid ayuu ku sababeeyey in Wasaaraddu mar kale xoog saartey iskoolada sida gaarka ah loo lee yahay, ee aysan jirin wax si gaar ah ay iskooladaasi waagii hore u heli jireen oo ay hadda waayeen.

SHAKHSIYADDA SIYAASI JUXAA

Cabdi Faarax waa nin bulshaawi ah, aftahan ah, oo aan isla weyneyn, kusoo dhex koray dabaqad shaqo, yaqaan nolosha dhabta ah, dadka sida weyn u yaqaanaa waxay shegaan in Cabdi Faarax Juxaa yahay shakhsi aaminsan fikir siyaasadeed, xitaa u labista sidaa siyaasiyiinta Leftist ama Socialist ah, xiriir lama laha odoyaasha qabiilka mana ahan nin dhexgal ku leh arrimaha beelaha, oo door weyn ka ciyaara siyaasadda Puntland.

Doorashada Puntland 2019

Siyaasi Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) waxa uu kamid yahay Siyaasiyiin ka badan 10 oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 2019, FJuxaa ayaa kamid ah siyaasiyiinta leh khibradda siyaasadeed kana soo shaqeeyey Puntland iyo federaalkaba. Fursadaha uu lee yahay ma ahan kuwo la saadaalin karo, waxaana ay ku xiran tahay Xildhibaanada la soo doorto haddii ay yihiin kuwo aaminsan fikir siyaasadeed sida isaga oo kale iyo in ay yihiin Xildhibaano aaminsan siyaasadda dhabta ah ee dalka ka jirta oo ah Ganacsi iyo kala xoogsi, si kastaba saadaasha dhabta ah waxaa la heli karaa maalmaha doorashada Puntland.

Horseed Media Team