Juventus oo saxiixa Theo Walcott uga cadcad Man United.

Juventus ayaa mushaar 90 kun oo ginni Isbuucii ah u balan qaadeysa Theo Walcott hadii uu kusoo biiro bisha Janaayo, sida uu qoray Talksport.

Arsenal ayaa ka cabsi qabta inay Walcott weyso bisha Janaayo ka dib markii uu diiday inuu qandaraas cusub kooxda la galo.

Maadaama uusan Arsene Wegner qiran inuu iibinaayo xidiga heerka caalami ee dalka England inta lagu jiro bisha Janaayo, waxaa loo qaatay dabeecadiisii hore, ka dib markii uu cadeeyey inuusan iibin doonin Cesc Fabregas iyo Samir Nasri xilli sidaan oo kale uu suuqu u furmaayey.

Labadaas ciyaaryahan ayaana ku kala biiray Barcelona iyo Manchester City iyagoo ka tegay Emirates, waxaa isna booskaas maray Robin Van Persie oo xagaagaan ku biiray Manchester United, Theo ayaana ah ciyaaryahan kale oo magac weyn oo qarka u saaran inuu ka tago Gunnres.

Markii uu diiday Walcott inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Manchester United ayaan qarsan damaceeda ku aadan xidigaan, laakiin Juve ayaa sidoo kale dooneysa.

Kooxda Serie A ayaa United u weysay Van Persie laakiin waxay diyaar u yihiin inay markooda kaga adkaadaan saxiixa Walcott, waxayna usoo bandhigeysaa heshiis uu Isbuucii kaga qaadanaayo 90 kun oo ginni, waxaana sidoo kale laga ciyaarsiinayaa booska gool dhaliyaha.

Walcott ayaa bisha soo aadan lagu iibsan karaa 8 milyan oo ginni wuxuuna ku jiraa waqtigiisii ugu dambeeyey ee Arsenal ka hor inta aysan kooxda si xor ah ku lumin.