Juxa oo shaaciyay in 4 nin ay diideen doorashadii Garoowe

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka xilli maanta ay si rasmi ah u billowdeen doorashooyinka maamulkaasi, walow dib loo dhigay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale, sababo la xiriira xiisadda dagaal ee weli ka taagan qaybo kamida gobolka Nugaal.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in 4 nin oo kaliya ay ku ciyaareen masiirkii shacabka gobolka Nugaal, walow uusan shaacin magacyadooda.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay raggaas in hor ay istaageen doorasho ka dhacda Garoowe, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin saaqidiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar nin oo siyaasada ku saaqiday ayaa ku ciyaaray masiirkii shacab waynaha gobolka Nugaal”. ayuu yiri wasiirka arrimaha guddaha maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu mucaaradka ku eedeeyay inay fashiliyeen dadaalladii la doonayay in xal waara looga gaaro xiisadda ka taagan Garoowe , taas oo sababtay gacan ka hadal.

Wasiir Juuxa ayaa intaasi ku daray in iyaga iyo Islaam Ciisa oo qayb ka aha dadaalka la wada qiyaamay, sidaasina lagu burburiyay wadahadalkii ku aadanaa adkeynta nabadda.

Puntland ayaa waxa haatan ka socota doorasho taariikhi ah oo maanta si wadajir ah uga bilaabatay illaa 30 degmo, taas oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka.

Doorashadan oo sidoo kale  ah qof iyo cod ayaa waxaa si weyn ugu loolamayo illa  7 urur, waxaase ka soo bixi doona 3 urur, kuwaas oo noqon doona xisbiyo siyaasadeed.

S kastaba, Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.