Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa galinkii dambe ee maanta gacanta kusoo dhigay soo bandhigay hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.

Sidoo kale waxaa howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.

Ciidanka ayaa intii uu socday howl-galkan gudaha u galay guryo kale oo ku yaalla Tarakabuunka, oo uu ku hoggaamiyay mid kamid ah xubnaha lasoo qabtay, kuwaasi oo loogu tegay hub badan oo qeyb ka ah kuwa ay ciidanku warbaahinta usoo bandhigeen.

Hay’adaha ammaanka ayaa sida muuqata ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo kooxda loo waday.

Alaabtaas oo u badneyd kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maalinkaas waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo Shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasi oo sahashay in la helo xogtooda.

Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.