25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

K/Galbeed oo shaacisay in dalku galayo xaalad la mid ah tii 1991 hal arrin darteed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga digay halista ka dhalan karta haddii la joojiyo gargaarka deg-degga ah ee la gaarsiiyo dadka ku tabaaleysan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Digniinta maamulka ayaa ku soo beegmaysa xilli dalku wajahayo xaalado is biirsaday oo ay ka mid yihiin abaaro, sicir-barar iyo colaado sokeeye oo sii kordhaya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka iyo Gargaarka Bani’aadamnimada ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Ganey, ayaa sheegay in haddii xilligan adag la jaro gargaarka bani’aadamnimo, dalka uu gali karo xaalad aad u daran, oo lamid ah musiibadii bani’aadamnimo ee 1991-kii.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo in beesha caalamka aysan ka jarin taageeradii ay siin jireen dadka nugul, si aysan uga sii daran xaaladooda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in abaarta daba dheeraatay ay sababtay in dad badan ay ka barakacaan guryahoodii, iyagoo wajahaya nolol adag oo aysan heli karin cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad.

Colaadaha iyo sicir-bararka sii kordhaya ayaa sidoo kale xaaladda sii adkeeyay, taasoo keentay in gargaar kasta oo la jaro uu noqdo halis toos ah oo nolosha shacabka khatar u gelineysa.

Digniinta maamulka ayaa timid xilli Dowladda Mareykanka ay dhawaan jartay gargaar la qorsheeyay in loo adeegsado kaalmeynta Soomaaliya, gaar ahaan ku dhowaad $170 milyan, sida uu shaaciyay ururka samafalka ee Stand Up for Aid.

Go’aankan ayaa waxaa si gaar ah uga dhalan kara saameyn taban oo ku dhacda in ka badan afarta milyan ee qof ee wajahaya macaluul iyo nafaqo-darro sanadka 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga dhiidhiiyay go’aankaas, iyagoo sheegay in la joojiyo gargaarka ay khatar ku tahay nolosha dadka nugul. Waxay hoosta ka xariiqeen in abaartu aysan weli dhammaan, ayna jiraan malaayiin qof oo u baahan taageero joogto ah si ay u badbaadaan.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa iyadna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in carruurta ka yar shan sano ay noqon doonaan kuwa ugu badan ee ay saameyn doonto xaaladda nafaqo-darrada. Waxaa la filayaa in tirada carruurtaas ay gaarto ilaa 1.7 milyan dhammaadka sanadkan, taas oo ah tiro aad u sarreysa marka loo eego awoodda hadda jirta ee wax looga qaban karo.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, iyadoo deegaanno badan aysan gaarin adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah. Maamulka ayaa sheegay in haddii gargaarka la hakiyo, ay suuragal tahay in dad badan ay u dhintaan gaajo, cudurro ama nafaqo-darro darteed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo dowladda Federaalka in ay isla qaataan mas’uuliyadda badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa uu Wasiir ku-xigeenku ku cel-celiyay in gargaar kasta oo la jaro uu yahay halis toos ah oo aan laga bogsan karin haddii ay xaaladdu kasii darto.

- Advertisement -

Read more

Local News