Ka qeyb gal codeynta ra’yiga shacabka ee doorashada madaxweynaha Jubbaland

Shabakada Somali Elections aya bilowday maanta fursad ay shacabka reer Jubbaland codkooda ku dhiiban karaa qaab online ah, taasoo lagu eegayo kalsoonida shacabka cidda ay rabaan in ay hoggaanka u qabato shanta sano ee soo socota.

Codeyntan casriga ah aya noqoneysa mid ku cusub saaxa siyaasadda Soomaaliya, Tan iyo markii ay xornimada qaadateen shacabka Soomaaliyeed ayaanan muddo ka badan 50 sano fursad u helin in ay codkooda dhiibtaan.

Afartii doorasho ee ugu danbeysay ee soo marta Soomaaliya aya waxaa hoggaanka dalka waxa lagu dooranayay qaab xulasho ah taasoo caan ku noqotay in Baarlabaanka ay iibsadaan codkooda isla markaana noqotay albaab ay ka soo galaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasoo bixinayay laaluushka lagu kala iibsado codadka xildhibaabanada.

Codeyntan oo aan ahayn mid rasmi ah ayaa haddana waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado halka ay jirto kalsoonida shacabka si ay u caddaato musharaxa ku guuleysta hoggaanka dowlad goboleedyada iyo midda Federaalka ah.

Halkan ka codee. (RIIX SI AAD U CODEYSO)

Fiiro Gaar ah: Fadlan waa muhiim in aad geliso telefon numberkaada si laguugu soo diro lambarka sirta ah ee aad ku codeyneysid