Kaalin intee la eg ayey Ethiopia ku lahayd heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka?

Hargeysa (Caasimada Online) – Golayaasha baarlamaanka maamulka Somaliland oo shalay ansixiyay heshiis buuq badan iyo gacan ka hadal ka dhashay oo ogolaanayay in saldhig milatari magaalada Berbera laga siiyo dawladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka horyimid xisbiyada mucaaradka iyo dadweynaha.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Aadan Haybe ayaa heshiiskaani ku sheegay faa’iidada laga helayo mashaariic iyo horumarinta Somaliland iyo shaqo u abuurid bulshada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale uu sheegay in heshiiskaani dhex maray Imaaraadka iyo Somaliland ay wadatashi kala yeesheen dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay saaxiib dhow la tahay Somaliland, islamarkaana ay ogolaatay.

Farxaan Aadan Haybe ayaa idaacadda VOA ugu waramay qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan iyo saameynta uu mandaqada ku yeelan karo iyo nidaamka dhaqaale bixin ee heshiiskaani ku qotoma.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com